TACSI : – Allaah ha u naxariistee Afhayeenkii Isimada Puntland Garaad C/llaahi Cali Ciid oo ku geeriyooday Turkey

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICIIN.

GEERIDU WAA XAQ.

Allaah ha u naxariistee waxaa maanta Khamiis 19.11.2020 ku geeriyooday Dalka Turkey Afhayeenkii Isimida Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid.

Marxuun Garaad Cabdullaahi Cali Ciid ayaa ka mid ahaa asaasayaashii iyo rukumada adkaa ee ay ku taagan tahay Dawlad Goboleedka Somaaliyeed.

Allaah ha u naxariistee Garaadka ayaa lagu xusuusan donaa in uu ahaa hogaamiye waayo arag ah, waxgarad iyo wadani ka baxay umadda Somaaliyeed. Isagoo sidoo kale ahaa diwaan ay maxkaxdiisa ku keydsaneyd xog badan oo sameyn ku leh dhaqanka iyo taariikhada umadda Somaaliyeed.

Maamulka iyo Hawlwadeenda Shabakada Puntlandi waxay iyagoo ka tiiraneysan Geeridaa naxdinta leh ee ku timid Garaad Cabdullaahi Cali Ciid waxay Tacsi u dirayaan Qoyskii, Ehelkii iyo Guud ahaan shacbiga Somaaliyeed iyo midka Reer Puntland ee uu ka baxay Marxuumku.