Safiirka Jabuuti ee Muqdisho oo la kulmay Gudoomiyaha Aqalka sare, kuna tilmaamay Wadani Wadani dhalay.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Somaaliya Aden Xasan Aden ayaa maanta la kulmay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Safiir Aden Xasan Aden oo kulankaas kadib qoraal kooban uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter ayuu amaan kula dul dhacay Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isagoo ku tilmaamay hogaamiye Wadani ah oo lagu soo hirto.

Kulanka Safiirka Jabuuti uu la yeeshay Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa u muuqda mid Dawlada Jabuuti ku taageerayso maqaamka iyo mawqifka Siyaaseed ee Gudoomiyaha Aqalka sare, kaas oo loolan iyo khilaaf aad u qalafsani uu kala dhaxeeya Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaaliyeed mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo taagerayaashiisa Nabad iyo Nolol.

Halkan ka fiirso qoraalka iyo masawida kulanka Safiirka iyo Gudoomiyaha Aqalka sare :