Musharax Dahir Maxamuud Gelle : – Waa ceeb in Nin Wasiir ah loo wakiisho cayda hal doorka umadda .

Musharax Madaxweyne horena u soo noqday Wasiirka Warfaafinta Dawlada Federaalka Somaaliyeed mudane Dahir Maxamuud Gelle ayaa sheegay inuu ka diiday Madaxweyne Farmaajo iyo Taagerayaashiisa in warbaahinta Qaranka loo isticmaalo, oo laga dhigto qalab lagu aflagaadeeyo laguna caayo masuuliyiinta somaaliyeed ee qaba fikir siyaasadeed oo ka kadisan midka laga aaminsan yahay Villa Somalia.

Musharaxa Gelle ee qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook ayaa udub dhexaadka madaxtinimada ku sifeeyey ” Dhaqan iyo Dhawaaq suuban “ isagoo shay ceeb iyo nasiib darah ah ku tilmaamay in Wasiirka Cusub ee Warfaafintu loo igmaday inuu noqdo shakhisiga loo dhiibto fariimaha cayda iyo aflagaadooyinka ah ee loo jeedinaayo hal doorka umadda somaaliyeed.

Halkan ka fiirso fariinta Musharax Dahir Gelle :