Cali Guudlaawe oo Doonaya inuu badalo Gudigii Doorashada ee uu magacaabay Waare

Madaxweynaha Cusub ee Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa wada Qorshe uu isagu kusoo magacaabayo Gudiga Doorashada ee Heer Federaal, qoondada Hirshabele, Gudigasoo uu horay u Magacaabay Madaxweynihii isaga ka horeeyey.

Madaxweynihii hore ee Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare wuxuu bishii hore soo magacaabay Gudigii Doorashada ee heer Federaal kuwasoo ka koobnaa 4 Qof.

Sida Warar hoose sheegayaan Guudlaawe wuxuu soo wadaa Afar Qof oo kale, kuwii horana qashinkaa lagu darayaa.

Macada ujeedada ka dambeysa badalida Gudigaan laakiin Dad badan ayaa aaminsan in Guudlaawe ee Sharciyad u haysto inuu isagu magacaabo Gudiga heer Federaal qoondada Hirshabeele .

Puntlandi.com Jowhar