Dagaalka Tigrey oo sababay in Itoobiya ay Ciidamo Gurmad ah kasoo qaadato Ciidamadooda Soomaaliya jooga

Tan iyo markii uu bilowdey Dagaalka u dhexeeya Itoobiya iyo Tigreyga , waxay Dowlada Dhexe ay Ciidamo ku Daad horaysay Waqooyiga Dalkaas.

Warar shalay soo baxay waxay sheegayaan in Ciidamada Eritrea ay xitaa Soo galeen Dagaalka.

Ciidamada Itooboya ee jooga Soomaaliya ayaa hada iyana loo baaqdey inay ka qaybqaataan Dagaalka, waxayna Itooboya hada kasoo saartay Soomaaliya Ciidan aan tiradooda la shaacin.

Warar Dublamaasiyadeed ayaa sheegaya in Itoobiya ay Soomaaliya kasoo saartay Ciidamadooda aan ka tirsanayn Amisom.