Boosaaso- Laba Dhalinyaro ah oo Boolisku toogteen

Rasaas ay Boolisku rideen ayaa waxaa Xalay ku geeriyoodey laba wiil oo Dhalinyaro ah, dilkoodana waxaa ka soo baxaya warar kala duwan inkastoo aysan Boolisku wali Faahfaahin ka bixin.

Maamulka Degmada Boosaaso iyo Booliska ayaa baaraya Kiiska, inkastoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Boolisku ay howlgal ka wadeen goobta dilku ka dhacay.

Wiilasha geeriyoodey ayaa midkood wuxuu ahaa Ardey dhigta Jaamacada, sida laga soo xigtay Asxaabtiisa.

Ehelada labada wiil waxaa laga soo xigtey in Wiilashoodu aysan wax shaqo ah ku lahayn falal dambiyeedyada ka dhaca suuqyada.

Sirada hoose waa labada wiil ee geeriyoodey

Puntlandi.com Bosaso