Waraysi Madaxweynaha Tigreyga oo Wacad ku maray iney ka Guulaysanayaan Duulaanka ay ku hayaan Ciidamada Federaalku

Chairman of the Tigray People's Liberation Front (TPLF) Debretsion Gebremichael delivers a speech during the TPLF First Emergency General Congress in Mekelle, Ethiopia, on January 4, 2020. (Photo by EDUARDO SOTERAS / AFP) (Photo by EDUARDO SOTERAS/AFP via Getty Images)

Madaxweynaha Tigreega Debretsion Gebremichael oo waraysi siiyay Wargeyska Bloomberg ee Caalamiga ah oo badanaaba ka hadla Dhaqaalaha ayaa wuxuu u sheegay inaan laga guulaysanayn Ciidankooda.

Duulaanka ay nagusoo qaadeen Ciidamada Federaalku waan ka guulaysanaynaa, Waxaa hada Dagaalka kusoo biiray Eritrea, ayuu yiri .

Debretsion Gebremichael Madaxweynaha Gobolka Tigreyga wuxuu sheegay in Ciidamada Eritrea ay duqayn xoogan ka gaysteen Magaalada Himora oo ku taal xuduuda.

In kasta ay iyagu weerarka nagu soo qaadeen, hadaba waan iska caabinay, ayuu yiri Debretsion. Isagoo raaciyey “Dadkani sinaba noogama adkaan karaan . ”

Waxyar oo ku saabsan sidii Dagaalku ku bilowdey iyo Walaaca Beesha Caalamka

Sideedii maalmood ee dagaalku ka socday Gobolka Tigrayga ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 550 qof, boqolaal kalena waa lagu dhaawacay, kumanaan kalena waxaa khasab ku noqotay inay u qaxaan dalka ay deriska yihiin ee Suudaan. Raiisel wasaare Abiy Ahmed wuxuu amar ku siiyay ciidanka inay weeraraan Gobolka iyagoo ka aargudanaya duullaan ay sheegeen inay Tigreygu ku qaadeen saldhig Ciidamada Federaalku oo ku yaal Tigray inkastoo Tigreygu ay beeniyey hadalka Raysal wasaaraha.

Iskahorimaadka ayaa dhaliyay in Beesha Caalamku ay ka muujiso walaac, ku saabsan in Dagaal sokeeye uu si buuxda uga Qarxo Itoobiya, Xili Itoobiya ay awalba la daalaa dhacaysay Dagaal u dhexeeya Qoomidiyaha kale, iyo waliba xili uu dhaqaalaha Itoobiya uu aad u kobcayay. Waxa kale oo laga yaabaa inay dib u dhigto qorshooyinka lagu furayo lahaa dhaqaalaha maalgashadayaasha shisheeye ee la filayay maalgashi ka badan tobanaan bilyan oo doollar.

Gobolka Tigreyga waxaa ku yaal xerooyinka ugu waaweyn ee Ciidamada Itoobiya, waxaana Xerooyinkaan loo sameeyey Dagaalkii u dhexeeyey Itoobiya iyo Elitrea,

Kooxda Xasaaradaha Caalamiga ah ayaa sheegtay in Gobolkaan uu yaal kalabar Qalabka Guud ee Ciidamada Itoobiya, waxaa sidaas oo kale Gobolku uu heystaa Kalabar Ciidamada Guud ee Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel iyo Redwan Hussein Wasiir u Dowlaha Arimaha Dibada Itoobiya Way ka gaabsadeen iney ka jawaabaan Eedeynta Madaxweynaha Tigreyga.

Puntlandi.com