Breaking News : – Farax Macalin oo somaalida ugu baaqay in ay naftooda iyo dhigooda u huraan difaaca midnimada Ethiopia

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Barlamaanka Kenya mudane Farax Macalin Dawaare ahaa Umadda somaaliyeed ugu baaqay in ay naftooda iyo dhiigooda u huraan midinimada iyo difaaca wadajirka Dalka Ethiopia.

Mudane Farax Macalin oo maanta qoraal kooban oo arintaas ah soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka ayaa ku nuux-nuux saday in la gaaray wakhtigii shacabiga Somali State ay xaqiijin lahayeen Ethiopiaan-nimadooda waxa walbana u huri lahayeen muqadsnimada iyo midnimda Ethiopia.

Mudane Farax Macalin ayaa aad ugu dhow, oo la taliye u ah Madaxweyne Farmaajo, isla markaana aad u taageera xiriirka walaaltinimo ee u dhaxeeya Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaaliyeed mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raisal Wasaaraha Dalka Ethiopia Dr. Abiy Axmed

Halkan ka akhriso nuqulka qoraalka Twitterka ee Farax Macalin.