Musharax C/raxmaan Cabdishakuur oo ku eedeyey Madaxtooyada in ay fujiyeen Boorarka masawiradiisa

Qore Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame :

Waxaan canbaareynayaa gabood falka ay ciidanka ilaalada madaxtooyada ku fujiyeen boor ku dheganaa ka soo horjeedka xarunta Baarlamaanka, oo lagu soo bandhigay sawir muujinaya musharraxnimada xilka madaxweynimo ee aan sanadka 2021- ka u taaganahay. Ciidanka ayaa shirkaddii boorarka laheyd u sheegay in uu amar kaga yimid madaxtooyada.

Naguma cusba dulqaad la’aanta musharrax madaxweyne Maxamed Farmaajo, waxayse tani tijaabo ku tahay Raysalwasaare Rooble oo ay masuuliyad ka saaran tahay xaqiijinta loolan ay u simanyihiin musharraxiinta xilka u tartamaya ee u Madaxweyne Farmaajo ka mid yahay.

Haddii uu musharrax Farmaajo xammili karin sawir xayeysiin ah, sidee buu tartan doorasho ku ugu adkaysan karayaa. Tani waxay cashar horu dhac ah u tahay waxa uu musharrax Farmaajo maagganyahay.

Waxaan ugu baaqaynaa taageerayaasheyada, musharraxiinta kale, saxaafadda, bulshada rayidka iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ay falkan gurracan si isku mid uga dhiidhiyaan. Waxaan dalbanaynaa in si deg deg ah boorka halkiisii lagu soo celiyo.