Maxamed Cumar Carte : – ” Is-casilaadaydu ma ah mid siyaasadeed “

Raisal Wasaare ku-xigeenkii hore ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Xidhibaan Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa iska casilay xilkii Xildhibaan ee uu ka hayey Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed.

Mudane Maxamed Carte oo warqadiisa is-casilaada u gudbiyey Madaxweynaha Dawalda Federaalka Somaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in is-casilaadiisu aanay aheyn mid siyaasadeed, balse ay keentay, oo ay tahay mid salka ku haysa xaalada caafimaad ee aabihiis Cumar Carte Qaalib oo ku jiran magaalada Hargeisa.

Masuuliyiinta ka tarisan Dawlada Federaalka Somaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa maamulka Hargeisa ku khasbaa in ay ka tagaan xilalka ay ka hayaan Dawlada Federaalka Somaaliyeed haddii ay rabaan in ay waalidkood oo jiran soo booqadaan ama ay ka qayb galaan aaskooda.

Halkan ka akhriso warqada Is-casilaada Maxamed Cumar Carte :