Daawo : – Walaac laga muujiyey maxkamadaha Hargeisa kufsigii wadareedkii loo geystay Gabadh yar oo 13 jir oo maskixyan u jiraneyd.

Hayadaha u dooda Xuquuqul Insaanka ayaa Walaaca aad u xoog weyn ka muujiyey Xukunka Maxkamadda Hargaisa Ku ridday 7 Eedaysane Oo Loo haystay Kufsi Wadareed loo geystay Gabar 13-jir ah, isla markaan qabtay jiro dhinaca dhimurka ah.

Maxkamada Hargeysa ayaa sii deysay 7 Nin oo si wadajir ah u kufsaday Gabadh yar oo 13 jir ah oo lagu magacaabo Cawo Xariir Raage, taas oo lagu dhex kufsaday xarun lagu xanaaneeyo caruurta agoonta iyo danyarta ah oo ku taal magaalada Hargeysa.

Sidoo kale maamulka iyo masuuliyiinta sare ee xarunta agoomaha ayaa lagu eedeyey in ay qariyeen falkan waxshinimada aha, isla markaana ka horjoogsadeen Ehelkii Gabadha yar iyo Warbaahintu in ay baaris ku sameeyaan kiiskan kufsi wadareedka ah ee ka dhacay xarunta caruurta ee ay masuulka ka yihiin.

Halkan ka daawo warbixinta kufsiga Cawo Xariir Raage.