Wasiirka Cusub Arimaha gudaha Jeneral Mukhtar oo xoog ku haysta gurigii Advocate Axmed Dahir Xasan

Qore : Sacdiyo Axmed Daahir iyo dhamaan Qoyska Reer Axmed Daahir.

WARGELIN :

TO: PRESIDENT MOHAMED A FARMAAJO
TO : PM MOHAMED H ROOBLE

TO : WARBAAHINTA DALKA

TO : DHAMAAN WAXGARADKA IYO SHACBIGA SOMAALIYEED

Asalamu Alaikum Dadwaynaha Somaliyeed.

Anigoo ah Saida Ahmed Dahir Hassan, kuna hadlaya Magaca reer Ahmed Dahir Hassan oo dhan. Waxaan dadwaynaha Somaliyeed gudaha iyo dibadaba ogaysiinaya Wasiirka cusub GENERAL MUKHTAR HUSSEEN AFRAH ee loo doortay WASAARADA ARIMAHA GUDAHA, FEDERAL IYO DIB U HESHIINSIINTA uu xoog ku haysto gurigeena mudo 16 sano ah.

Gurigeena oo lahaa abaheen Dottore AHMED DAHIR HASSAN oo bulshada Somalida ay badankood garanayaan oo ahaa lawyer dhintayna 2003, Allaha u naxariistee.

GEN. MUKHTAR guriga waligiis shilling kama bixin oo wuxuu isticmaalay awoodiisa oo ahayd inuu ahaa Generalka Policeka Somalia.

Arintan ehelkiisa iyo dowlada Somalia way la socdaan, waxbana waa ka qaban waayeen. Gurigeena wuxuu ku yaala Radio Muqdishu markii lasoo dhaafo, Munaarada hoosteeda.

Ninkan xaq darada iyo xaaraanta ku jira see ummadda Somaliyeed u matalaya oo loogu aamini karaa WASAARADA ARIMAHA GUDAHA, FEDERAL IYO DIB U HESHIINSIINTA. Guriga warqadihiisa iyo marqaatiyaal faro badan oo ay ka mid yihiin Somali iyo ajaanib waa la hayaa. Fadlan waxaan ka codsanayna Dowladda Somalia in ay ninkan gurigeena xaqdarada iyo xooga ku haysta nooga saaraan si DEG DEG ah. Mahadsanid!

Please share it, thanks!

Halkan ka fiirso gal-dacwadeedka qoyska Reer Axmed Daahir uga furan Maxkadaha Dalka gudihiisa iyo dibadiisba.