Prof.Xasan Sheekh Cali : – 21-KA OKTOBAR 1969 WAA MAALINTII SOOMAALIYA LA-KUFSADAY

IS-XASUUSIN: KONTON IYO KOW-SANO KA HOR MAANTA OO KALE SOOMAALIYA MAXAA KA DHACAY?

HORDHAC


Dalka Soomaaliya oo ahaa dal aay ku cusubtahay dowladnimadu ayaa nasiib daro waxaa la dilay Madaxweynihii qaranka Soomaaliyeed Mudane Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke (Alle ha u naxariisto: Aaamiin e).

SU’AALO-MUHIIMA

  • Madaxweynaha xagee lagu dilay?
  • Madaxweynaha goorma ayaa la dilay?
    -Madaxweynaha yaa gacantiisa ku dilay?
  • Madaxweynaha ninka gacantiisa ku dilay, ma asaga ayaa go’aansaday kaligiis? Mise gacan kale ayaa adeegsatay?
    -Gacmaha adeegsaday dilaaga Madaxweynaha ma Soomaaliya kaliya ayeey ahaayeen mise gacmo shisheeye ayaa ku jiray?
    -Hadii gacmo Soomaaliyeed soo adeegsadeen asakariga dilay Madaxweynaha, ujeedada dhabta ah ee ka danbeeysay dilka Madaxweynaha maxay aheed?
    -Sidaas oo kale hadii dilka Madaxweynaha aay ka qeybqaateen gacmo shisheeye ujeedadu maxay aheed? Kuma ayuuse ahaa shisheeyihii gacmaha kula-jiray Arimaha Gudaha ee Soomaaliya?
  • Hadii gacmo shisheeye gadaal ka maamulayeen qorshaha dilka Madaxweynaha, Soomaalida ka qeyb-qaadatay dilka Madaxweynuhuse ayaga laftigoodu qorshe ka durugsan dilka Madaxweynaha ma lahaayeen?
  • Hadii Madaxweynihii la dilay, Taladii Dalkana ASKARTII la wareegtay, askartii ma sameeyeen baaritaan dhab ah?
  • Hadiise askartu baaritaan sameeyeen, Askartu Dadka Soomaaliyeed ma la wadaageen natiijadii baaritaanka oo sax ah?
    Dadka Soomaaliyeed maku qanceen natiijadii Askartu sheegtay?
  • Aqoon-yahan-ka Soomaaliyeedse dhankooda ma ka sameeyeen Cilmi-Baaris Madaxbanaan, hadii aaysan aqoon-yahanku samayn Cilmi-Baaris dhab ah maxaa hortaagan?
  • Mase laga yaabaa in ASKARTII xukunka boobtay in aay cagta hoosteeda geliyeen in haba-yaraatee wax laga ogaado dilkii Madaxweynaha iyo mugdiga ku xeeran?
  • Dilkii Madaxweyne Cabdi Rashiid se se raad caynkee ah ayuu ku reebay Taariikhada Dadka Soomaaliyeed?
    -Soomaalidu se guud ahaan 50 sano ka bacdi maxay ka baran-karaan dilka Madaxweyne Cabdi Rashiid?
    -Ma jiraan Dad Soomaaliyeed oo ku farxay dilka Madaxweyne Cabdi Rashiid, maxayse ugu farxeen?

FALANQEEYN
Dhamaan su’aalaha kor ku xusan marka laga reebo:

  • In Madaxweynaha lagu dilay Magaadalada Laas-Caanood.
  • In Madaxweynaha la dilay Bishii Octoobar 15 keedeed ee sanadkii 1969.
    -Iyo in uu dilay askari ka tirsanaa Ciidanka Police- ka Soomaaliyeed ( Saciid Yusuf Ismaciil, lana toogtay Bishii Febraayo 10, 1971).
    Haba-yaraatee ma jirtao cid jawaab sax ah 100% ka bixin-karta dilka Madaxweyne Cabdi Rashiid iyo mugdiga ku xeeran dilka Madaxweynaha, hase yeeshee waxaa la hubaa suurta galnimada laba arimood oo muhiim ah.
  • In dilka Madaxweynuhu in uu FURE AMA BILOW u ahaa dhibaatada baahsan ee maanta dalka Soomaaliya ka jirta.
  • In ASKARTII talada dalka xooga kula wareegtay Bishii Oktoober in aay qariyeen ama marin-habaabiyen waxyaabo ama macluumaad farabadan oo ku saabsan dilkii Madaxweyne Cabdi Rashiid Cali Sharma-arke. Sidaas darteed waxaa jira TUHUN-WEYN oo muujinaaya in askarta xukunka boobtay in aay qeyb ka ahaayeen dilka Madaxweynaha, hase yeeshee ilaa iyo hada (50 sano) ka bacdi lama haayo cadayn ku filan in si buuxda Askarta loogu eedeyn karo in aay qeyb ka ahaayeen dilkii Madaxweyne Cabdi Rashiid.

Arinka labaad ee muhiimka ah waa in dilkii Madaxweyne Cabdi Rashiid in uu SABAB-TOOS ah u noqday in uu Soomaaliya ka hana-qaadaado hanaan dowladeed oo aan haba yaraatee aan ku dhisneeyn wax dharci ah, ASKARTII talada Dalka Soomaaliya la wareegtay ama af-duubtay shaqadii KOWAAD ee aay qabtaan waxay ka bilaabeen in aay DAAQADA KA TUURAAN DASTUURKII DALKU LAHAA, ka dibna qaab u eg KUFSI SIYAASADEED ayay talada Dalka ku haysteen in ka badan 21 sanadood…. Dastuurka Dalku lahaa wuxuu ahaa DOCUMENT-ga kaliya ee dadka Soomaaliyeed abidkood u codeeyeen. DASTUURKA Askartu EEX-JEEXDAY wuxuu ahaa Dastuur loo qaaday Afti-Dadweyne isla markaasna ilaalinaaya XUQUUQDA IYO WAAJIBAADKA MUQAADINKA.
Hadaba waa arin muhiim ah una baahan in “Hoosta laga xariiqo” in galabta Soomaaliya tahay wadan ku guul-dareeystay dhisida “Dowlad wanaagsan” waxaa SABABTA KOWAAD u ah Xukunkii Askarta ee aan lahayn Dastuur Qaran…….


Arinkaas (Dastuur la’aanta Dalka) oo si TOOS ah sabab ugu noqatay in Dadka Soomaaliyeed “dowladnimada” u arkaan in aay tahay wax la isku dhibo, dareenkaas oo wadada u baneeyay in halmar dhamaan in Dadkii Soomaaliyeed qaataan “go’aan wadareed” ah in aay xoog iskaga hor wareejiyaan Xukunkii Akarta ee qarba-booshka ahaa, (dab can markasta waa jirtay koox yar oo si-gaara ugu nooleed nafciga Xukunka Askarta).
Intaas waxaa kasii durugsan, lama huraana aaytahay in si gaara hoosta looga xariiqo, in Xukunka ASKARTU aanu xumeeyn xiligiisii oo kaliya e, ee ilaa iyo maanta la joogo waa xun-yahay, sababta oo ah wuxuu Dadka Soomaaliyeed uga tegay dhaxal xum ama DHAQAN-SIYAASADEED xun oo qurun ah, gaar ahaan kuwooda xukun-ka u ooman. Dhaqan xumida askarta laga dhaxlay ee ku lamaanan dhaqan-siyaasadeedka Soomaaliya (Somalis political culture) waxaa KOW ka ah in aay jiraan rag Soomaaliyeed oo weli ku riyoonaya suurta-galnimada in aay suurta-galtahay in uu Dalka Soomaaliya markale ka hanaqaadi karo xukun ama dowladnimo ku dhisan QAANUUNKA DUURJOOGTA.

Cidkasta ama koox kasta oo damac kaga jiro in uu Soomaaliya ka hana qaado Maamul Dowladnimo oo aan ixtiraameeyn SAREEYNTA SHARCIGA waa faasid waana in laga hortagaa.
Sidaas oo kale, Xunkii Askarta waxaa laga dhaxlay SHACBI-DHOOHAN oo u diyaar ah in aay iska daba-kacaan doqonkasta oo hadalo-mac-macaan iyo been ugu baaqa, Xukunkii Askartu wuxuu Dadka Soomaaliyeed ka dilay dareenka wax rog-rogida iyo raadinta xaqiiqada… Xukunkii Askartu wuxuu shacbiga Soomaaliyeed u rogay sida XOOLO XERO ku jira oo aay suurta-galtahay in ninka iska leh kolba gowracdo ama qasho neefka uu rabo in uu gowracdo goorta uu doono. Xukunkii Askartu wuxuu Dadka Soomaaliyeed ka dilay DAMIIR WADAREEDKII …. Waana nasiib daro in LIXDAN SANO ka bacdi in aaysan Dadka Soomaalidu kala aqoon Qaran iyo Hogaamiye… Waa nasiib daro in dadka Soomaaliyeed in aaysan kala aqoon Maamul-Dowladeed oo ku dhisan SAREEYNTA SHARCIGA IYO IN NIN LOO SACBIYO… Waa nasiib daro in dadka Soomaaliyeed been cad 100% in loogu sheegi karo oo waliba wax qabad looga dhigi karo.

GEBAGEADII,
Marka hore Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cabdi Rashiid, ceebkasta oo aay laheed Dowladii Cabdi Rashiid waxaa loogu denbi-dhaafi karaa in aay ugu yareen aheed Dowlad Dadka Soomaaliyeed doorteen, isla markaasna hadii xataa wax ka qaldanaayeen lagu sixi karay Golaha Sharci-Dejinta (Lawmaker’s House).
Dhanka kale, dilkii Madaxweyne Cabdi Rashiid hadii uu dilay hal askari oo Soomaali ah, hadii aay dileen koox siyaasadeed oo Soomaali ah iyo hadii aay dileen AJNABI iyo Soomaali wada socda, maalintii la dilay Madaxweyne Cadi Rashiid waa KONTON SANO ka hor maanta oo kale (15-10-1969), Soomaaliya (dad iyo dowladnimaba) waxay cagta saartay wadadii HALAAGA IYO BURURKA, sidaas darteed ayay Soomaaliya maanta ku tahay 50 sano ka bacdi wadanka dunida ugu liita dhankasta, waxaayna ku astaysantahay, Hogaan-Xumo, Musuq-Maasuq, Dastuur-Nacayb, Marin-Habaabin Siyaasadeed iyo Guulwadayn.

BAAQ: qofkasta oo Soomaali ah waxaan ugu baaqayaa in uu naftiisa u sheego in uu aqbalo in uu nabad kula noolaado walaalihiisa Soomaaliyeed iyo in aanu dhamaynteen u howl-galno sidii Dalkeena Soomaaliya looga dhisi lahaa Dowlad leh DASTUUR isla markaasna halbeegeedu yahay SAREEYNTA SHARCIGA.

Dhamaantiin Guuleeysta: AAamiin

kacdoonkii shacbiga ee xoogga ku qabsaday Villa Somalia 26.01.1991 soona af-jaray dulmigii Oktobartii madoobeyd.