Faalo : – Ma isku shaandheyn baa,mise waa Xukuumad Second Hand ah mise waa mid beegsi Beeleed ah iyo xubno laysu qariyey

Raisal Wasaaraha Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa ku dhawaaqay, isla markaana Warbaahinta u soo bandhigay Golaha Cusub ee xukumadiisa, kuwaas oo Dalka iyo Dadka u adeegi doona mudada yar ee lagu gudo jiro doorashooyinka.

Qaabka loo soo dhisay xukuumada cusub ayaa durbaba waxaa la iska weydiiyey su’aalo farbadan, sidoo kalena waxaa ka abuurmi kara dareen iyo hurgumooyin siyaasadeed oo saameyn ku yeesha beelaha somaaliyeed qarkood iyo guud ahaan ololaha doorashooyinka.

Raisal Wasaare Mudane Rooble ayaa sida lagu xamanaayey waxaa muuqta in uu soo dhisay ama uu dib u soo magacaabay xukuumada second hand ah oo u badan midii uu ka tagey Mudane Xasan Cali Kheyre oo laga reebay kaliya shakhsiyaad Villa Somalia iyo hogaanka NISA ay u ciil qabeen.

Sidoo kale waxaa laga dheehan karaa in isbadelku xukuumadu uu kaliya saameyey , oo la beegsaday xubnihii heyb ahaan ka soo jeeday Beesha Hawiye ama wadashaqeynta dhow la lahaa, laguna xaman jiray Oday Kheyre.

Waxaa meesha laga saaray, oo isku shaandheyntu la kacday dhamaan xubnihii mihiimka ahaa ee ka soo jeeday Beesha Hawiye, halka kuwii dhigooda ahaa ama dhamaan kuwii gacan-saarka la lahaa Madaxweyne Farmaajo ama ka soo jeeday Beesha Daarood loo daayey Wasaaradihii ay mudada dheer soo hayeen !!!!!

Hadba haddii uu sidan Barlamaanku ku ansixiyo Golahan Wasiirada cusub waxaa mudada yar ee harsan wadashaqeyntu dhexmari doontaa gole dhinac ka raran oo ka kooban team isku naf ah, mudo dheern soo wada shaqeynaayey, isla markaana rugohoodii jooga iyo xayn cusub oo ku mashquulsan xil tirsasho.

Waxaa iyana magacaabida Golaha cusub laga dhex dheehan karaa in saameynta uu Raisal Wasaare Rooble ku leeyahay isku shaandheynta xukuumad cusub ay aad u yar tahay.

Tusaale : Labda Xafiis ee Madaxtooyada iyo Agaasinka hayada nabadugida ee NISA waxay list-ga ku soo darsadeen oo xilal Wasiirul-dawlo u magacaaben Shaqaale Waxeedyo hoose iyo lataliyaal ku hayb ah Mudane Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yasiin :

1. Agaasime Waaxeedka Aarkiifiyada Madaxtooyada Xasan Khaliif ( Beesha Reer Aw Xasan ) Waxaa loo dalacsiiyey Wasiirul-Dawlaha Madaxtooyada.

Fiiro gaar : hadda ogow Agaasimaha Madaxtooyada Somaaliya waa Cabdinuur Maxamed ( Beesha Reer Aw Xasan ).

2. Lataliyihii hore ee Madaxweynaha ee arimaha geeska Africa Balal Cusmaan ( Mareexaan,Reer Diini ) ayaa isagna caawa loo dalacsiiyey Wasiirul Dawlaha Arimaha Dibada.

Fiiro gaar ah : hadda ogow Xoghayaha joogta ah ee xafiiska Raisal Wasaaraha waxaa ah mudane Cabdirisaaq Caato ( Reer Diini ).

Isku soo wada duubow waxaa muuqta in Dalku jiho khaldan uu ku socdo.