Madaxweyne Deni “ Uma socdo Villa Soomaaliya”

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta dib ugusoo laabtay Garowe ayaa Sadexdii todobaad ee lasoo dhaafay wuxuu ku mashquul sanaa Siyaasada Soomaaliya si xal loogu helo in Doorasho loo dhan yahay ay Soomasliya uga dhacdo.

Madaxweyne Deni wuxuu hormuud ka ahaa ololahaas Xalka lagu raadinayay tasoo uu ku mutaystay inuu noqdo Siyaasiga kaliya ee ay Soomaalidu indhaha ku heysay, qaabkii uu u maareeyey Xal u helida Wadada loo marayo Doorashada 20/21.

Dad badan ayaa Dadaalka Deni u turjuntay siyaabo kala duwan waxaana durba suuqa soo galay in Siyaasi Deni uu u ololaynayo sidii ku fariisan lahaa kursiga Yaala Villa Soomasliya. Madaxweyne ama Raysal wasaare.

Howlwadeenada Warbaahinta Puntlandi.com ayaa markuu Madaxweynuhu kusoo laabtay Garowe waxay isku bowleen iney jawaabo u helaan hadal heyntaas.

Siyaasiyiin aad ugu ah dhow Madaxeeynaha waxay noo xaqiijiyeen in Madaxweyne Deni Laba arimood uu u joogay Muqdisho kuwasoo kala ah.

  • Sidii xal loogu heli lahaa Doorashada Soomaaliya ayna Dalka uga dhici lahayd Doorasho wakhtigeeda ku dhacda oo la isla ogol yahay
  • Danaha Siyaasda Puntland ee Mustaqbalka cida hogaaminaysa Villa Soomaaliya, Doorashada 20/21

Waxay Siyaasiyiinta aan la hadalnay ay meesha ka saareen in Madaxweyne Deni uu raadinayo inuu jago ka qabto Ama u tartamo Dowlada Dhexe(Villa Soomaaliya), balse aysan meesha ka Maqnayn inay jiraan Siyaasiyiin uu gadaal ka riixayo.

Puntlanfi.com Garowe