Imaatinkii Deni iyo soo dhaweyntiisii waxay ahayd Dhoolatus awoodeed

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu maanta Dhoolatus awoodeed ku sameeyey Garowe kadib markuu helay soo dhaweyntii ugu weyneyn ee abad loo sameeyo Madaxweyne Puntland.

Dadaalkii uu U galay in xal laga gaaro Doorashada Soomaaliya ayaa Dad badanaya fasirteen inuu Madaxweyne Deni uu u hanqal taagayo Villa Soomaaliya Laakiin wuxuu Arinkaas ka yiri hadalkii Madaxweyne Trump ee “Puntland First”.

Soo dhaweyntiisii maanta iyo ismarxabayntii waxay ahayd mid uu ku muujinayay inuu yahay Hogaamiyaha ugu Awooda weyn ee Soomaaliya.

Hoos ka Daawo Sawirada