Daawo Emaaraatku horumarka uu gaarsiiyey Dekada Berbera

Waxaa soo dhamaadey Wajigii kowaad ee dib u habaynta iyo Qalabeynta Dekada Berbera ee Soomaaliland, Shirkada Dekadaha Dubai oo gacanta ku heysa Dekada Berbera ayaa daah furtay Wajigii kowaad ee Mashruuc ay Malaayiin Dolkar ku baxayaan kasoo lagu horumarinayo Dekada.

Wajiga labaad oo dhowaann bilaabanaya ayaa wuxuu u banaan doonaa Dhismaha Hangaro waaweyn oo lagu keydiyo Waxyaabaha Dekada kasoo dega, ilaa hadana waxay shaaciyeen inay dhisayaan 3 Hangar oo kooba 100 mitir oo dherar ah iyo 50 mitir balaca.

Shirkada DP World oo gacanta ku heysa Dekada ayaa balan qaadey in ay Berbera ka dhigayaan Mid kamida Dekadaha ugu casrisan Afrika.

Madaxweyne Farmasjo markuu Xilka la wareegay wuxuu Dagaal ku qaadey DP World waxaana laga fidiyey dacaayado suuqa looga saarayo DP World ilaa aakhirkii ay dhacdey in Villa Soomaaliya ay geed dheer u fuulaan sidii suuqa looga saari lahaa gabi ahaan Emaraatka.

Dekada Bosaso oo ay iyana gacanta ku hayaan DP Work waxaa dhowaan bilaabanaya Mashaariic lagu balaarinayo Dekada .

Hoos ka daawo Dekada Berbera iyo maanta