Madaxweyne Deni oo khudbad kooban ka jeediyey soo laabashadiisii

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo dib ugusoo laabtay Garowe ayaa khudbad kooban ka jeediyey Garoonka Diyaaradaha Garowe.

Madaxweynuhu wuxuu Khudbadiisa kusoo koobay inuu Dalka uga maqnaa Safar shaqo iyo Puntland ay geed dheer u duushay sidii heshiis loogagaari lahaa Doorashada,tasoo lagu geelaystay ayuu yiri Madaxweynuhu, Madaxweynuhu ma uusan ka warbixin Safarkiisii Dubai iyo Nairobi.