Xildhibaano Baarlamaanka PL oo u safray Baydhabo

Kadib Booqashadii Madaxweyne Deni uu ku tagay Baydhabo waxaa labada dhinac u bilowdey Wadashaqayn iyo Iskaashi gaara, Wafdiga ka kooban Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Ountland waxay kulamo la qaadanayaan Xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Labada Baarlamaan ee Puntland iyo Koonfur Galbeed waxay iska kaashanayaan sidii Soomaaliya loogu xoojin lahaa Federaaliisamka Shacabkana loo fahan siin lahaa.

Xildhibaanada Puntland inta ay Baydhabo joogaan waxay Siminaar isbarasho iyo Wadashaqayn ah la yeelanayaan Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Hoos ka daawo Sawirada

Puntlandi.com Garowe