Olole Doorashada Hirshabeele loogu wareejinayo Baledweyne oo socda

Waxaa Magaalada Baledweyne ka socda abaabul ku aadan in Doorashada Hirshabele ay ka dhacdo Caasimada Gobolka Hiiraan ee Baledweyne, Siyaasiyiin Kasoo jeeda Jowhar iyo Baledweyne ayaa Qorshahaan wada.

Warar ay Warbaahinta Puntlandi.com ay hekayaan waxaa walaac xoogan laga muujiyey Faragalinta ay Dowlada Federaalku ku heyso Doorashada Hirshabeele tasoo sababtay in Siyaasiyiintaan is abaabulay ay kala soo dheeraadaan Doorashada Magaalada Jowhar.

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cosoble ayaa abaabulkaan qayb wayn ka ah waxayna durba bilaabeen in ay Baledweyne ku qabtaan kulamo looga arinsanayo sidii Doorashadu uga dhici lahayd Baledweyne.

Dowlada Federaalku waxay qorsheynaysaa iney Ciidamo geyso Jowhar si ay u caawiyaan Madaxweyne Xigeenka Hada Xilku ka dhamaanayo Cali Cadulahi Xuseen Guudlaawe, Arnkaan oo waxaa walwal ka muujiyey Siyaasiyiinta kasoo jeeda Hiiraan.

Muranka Siyaasadeed ee hareeyey Doorashada Hirshabeele ayaa u muuqda mid salka lagalay Loolan qaab qabiil u Abaabulan, oo ay gadaal kasoo riixayso Dowlada Federaalka.

Puntlandi.com Baledweyne