Madaxweyne Deni oo soo dhaweyntiisa laga dareemayo Garowe

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo mudo bil ku dhow ka maqnaa Puntland ayaa laguwadaa inuu maanta dib ugu soo laabto Garowe., qabanqaabi aan horey loo arag oo lagusoo dhaweynayo Madaxweynaha ayaa Garowe ka socota.

Madaxweynuhu wuxuu safaro ugu maqnaa Muqdisho, Baydhabo , Nairobi iyo Emaraatka, Safarkiisuna wuxuu ku salaysnaa nabadeynta Soomaaliya tasoo uu guul ka gaaray.

Soo dhaweynta heerka sare ah ee loo samaynayo Madaxweynaha ayaa muujinaysa in Shacabka Puntland ay ku qanacsan yihiin qaabkii uu Madaxweynuhu u maareeyey Xalintii Khilaafka Dowlada Federaalka iyo Maamulada iyo guushii uu ka gaaray xal u heltids Doorashada Dalka.

Madaxweyne Deni wuxuu kaloo safar muhiim ah ugu maqnaa Dalka Emaraatka oo ay Saaxiib dhow yihiin Puntland.

Puntlandi.com Garowe