Dowlada Emaraatka Carabta oo balan qaadey inay Soomaaliya siweyn u caawinayso

Dowlada Emaaraatka Carabta oo horayba u caawin jirtay Soomaaliya ayaa shaacisay inay laba jibaarayso kaalmada ay Soomaaliya Siisi iyadoo intaas raacisay inay daahfuri doonto qaab cusub oo natiijo muuqata leh oo ay igu faa’iideynayso Shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiil Emaraat ah ayaa lagasoo xigtay in Dowlada Emaraatku ay si wayn u fahansan tahay Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeyn jiray Soomaaliya iyo Emaraatka, waxayna ka dhawaajiyeen in ay jireen Dowlado iyo Shaqsiyaad isku dayay inay waxyeelaan Xiriirkaas soo jireenka ah.

Lama shaacin Kaalmadaan baaxada weyn ee ay ku yabooheen Emaaraatku xiliga ay bilaabanayso iyo kaalinta uu ka qaatay Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo mudo 9 Cisho ah ku sugnaa Emaaraatka.

Xiriirka Emaraatka iyo Soomaaliya ayaa Sii xumaanayay Tan iyo markuu Xilka qabtay Madaxweyne Farmaajo waxaana Xiriir xumadaas loo sameeyaa inay ka dambaysay Dowlada Qatar, Laakiin Emaraatku waxay ku adkeysteen inay sii wadaan kaalmada ay siiyaan Soomaaliland iyo Puntland.

Puntlandi.com

Dubai