Saraakishii ciidamada iyo shaqaalihii dawlada oo kooxda Nabad iyo Nolol, iyo lacagtii Qatar musharixiin ka soo wada dhigtay

Mid ka mid shaqsiyaadkii gacan-yarayaasha u ahaa Agaasimaha Hayada Nabad sugid ee Fahad Yasiin, isla markaana ku magacownaaAgaasimaha wasaaradda warfaafinta oo ah halka laga hawl galiyo kooxda loo yaqaan Cayayaanka Baraha Bulshada Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaalla ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in uu yahay musharrax xildhibaan.

Xafladda shaacinta musharraxnimo ee Al Cadaala ayaa hadda ka socoto Muqdisho.

Waxaay kooxda Nabad iyo Nolol meelo badan oo Dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka wadaan olole ay canaasiirtii Cayayaanka baraha bulshada ugu diyaarinayaan sidii ay isagu soo sharxi lahayeen kuraasta xildhibaanada dawalada federaalka somaaliyeed ee laga soo xulaayo beelaha somaaliyeed.

Waa aafo iyo jariimo hor leh oo loo geysanaayo dawladnimada iyo damiirka umadda somaaliyeed in Doolarka Dawlada Qatar laga soo qaatay loo adeegsado in daamiir lawayaashii cayayaanka baraha bulshada laga dhigto jaranjaro xukunka dalka si sharci daro ah loogu iibsado.