Xiriirka Jubbaland iyo Itoobiya oo soo fiicnaanaya

Tan iyo Doorashadii Jubbaland ee waxaa xumaa Xiriirka Jubbaland iyo Adis Ababa laakiin hada Wafdi ka socda Jubbaland oo Adis Ababa ku sugan iyo Masuuliyiin ka socda Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya ayaa kawada shaqaynaya sidii loosoo celin lahaa Xiriirkii labada dhinac.

Wafdiga Jubbaland waxay ilaa hada ku guulaysteen Qodobo dhowra oo ay kamid tahay in Madaxweyne Axmed Madoobe lagu casumo Adis Ababa si loosii xoojiyo Wadahadalka.

Wafdiga Jubbaland kasocda ee ku sugan Adis Ababa waxay kulamo dhowra la qaateen Maduuliyiin ka socda Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya iyo Qaar ka socda Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya.

Wararka ay Puntlandi.com helayaan waxay sheegayaan in Wadahadalka guul laga gaaray,.

puntlandi.com Adis Ababa