Shacabka Muqdisho oo wali ka cabanaya Wadooyinka Xiran oo sii kordhaya Xili ay …

Inkastoo Maalmo ka hor ay Xukuumada Federaalku soo bandhigtay Qorshe lagu furayo Wadooyinka xiran hadana wali waxaa sii kordhaya Wadooyinka hada iyo Kow lagu bilaabay Dhagax gooyo.

Gaadiidleyda Muqdisho ayaa maanta isugusoo baxay Wadooyinka iyagoo ka cabanaya Wadooyinka wali xiran iyo kuwo hor leh oo lagu bilaabay in lagu gooyo iska ragooyin dhagax ah.

Saalax Yare oo wade ka ah Gaadiidka PL-ka ayaa wuxuu Puntlandi.com u sheegay in Ay hada Adag tahay in uu shaqo tago waayo Wadooyinka xiran awgood, kaligiisna ma ahan ee Caadileyda kale ayaa cabasho noocaas ah qaba, wuxuuna yiri “ Aniga iyo saaxaabadeyda kale ee Busaska wada waxaa nasoo gashay rajo markaan maqalay Wadooyinka la furayaa, laakiin Xaqiiqdii waxay noqotay in Wadooyin hor leh lasii xiro”

Wuxuu kaloo yiri “ Waxaa taas kasii daran, Madaxda Dowladu markay Muqdisho dhex marayaan waxaa loosii xiraa Wadooyinkii furaa”.

Raysal wasaare Maxamed Xasan Rooble wuxuu todobaadkii hore daah furay Qorshe lagu furayo Wadooyinkii xiraa Sadexda Sano iyo balse Qorshahaas wali ma hir galin.

Puntlandi.con Muqdisho