TACSI : – Allaah ha u naxariistee Cali Cabdi Geesacade ( Cali weyne ) oo maanta ku geeriyooday Minneapolis- USA

Allaah ha u wada naxariistee waxaa maanta oo ah Talaado 13.10.2020 ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee Dalka Mareykanka Cali cabdi Maxamed Geesacade ( Cali Weyne )

Jaaliyada Puntland ee Danmark iyadoo ka tiiraanyeysan geeridaa naxadinta leh ee sidaa wadajirka ah ugu timid Cali Cabdi Maxamed Geesacade waxay tacsi u dirayaan dhamaan Qoyska Reer Geesacade, Awlaadii, Ehelkii iyo Axsaabtii uu ka baxay marxuumku, waxayna Ebbe uga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale maamulka iyo hawlwadeenada shabakada Puntlandi waxay tacsi gaar ah u dirayaan Nabadoon Mahdi Cabdi Maxamed Geesacade geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkiis Cali Cabdi Maxamed Geesacade ( Cali Weyne ), waxayna Allaah uga baryayaan marxuumka dembi dhaaf iyo naxariis.