Warbixin qaybta 1aad “Muran ka taagan Cida soo gudbinaysa Xildhibaanada Gobolka Gedo”

Waxaa sii xoogaysanaya muranka ka taagan Soo xukida Xildhibaanada iyo Senetarada Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland, ku matalaya Dowlada Dhexe 2020-2024 murankasoo salka ku haya Dagaal Siyaasadeed mudo kasoo aloosnaa Deegaanka.

Hordhac

Tan iyo markuu Xilka Madaxweynanimada qabtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa sii xoogaysanayay Buuq Siyaasadeed ka taagan Gobolka kasoo salka ku haya Arimo qabiil.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa dhex maray Dagaal Siyaasadeed bartamihii Sanadkii tagay, Xiligii Doorashada Jubbaland, Madaxweyne Farmaajo wuxuu isku dayay inuu Xukunka ka tuuro Axmed Madoobe balse taasi uma suuragalin oo waxaa la oran karaa Dagaalkaas waxaa si uun ugu adkaadey Axmed Madoobe waayo si fudud ayuu ku qabsadey Doorashadii isagoo cid aqlabiyad ah lagu doortay markale isaga,

Dagaalkii Doorashada markuu dhamaadey wuxuu Madaxweyne Farmaajo isku dayay inuu go’doomiyo Maamulka Axmed Madoobe isagoo isticmaalay Awoodii Dowladnimada Soomaaliya, Dagaalkaas wuxuu socdey bilo balse aakhirkii Axmed Madoobe waxaa lagusoo dhaweeyey Villa Soomaaliya isagoo loo aqoonsan yahay Madaxweybaha Jubbaland, Dagaalkaasna waxaa la oran karaa waxaa ku adkaadey Axmed Madoobe.

Madaxweyne Farmaajo ma uusan quusan oo wuxuu sii waydey Dagaalkii isagoo hadba kaar cusub garaacanaya, kolkaan Wuxuu isku dayay Madaxweynuhu inuu Gobolka Gedo ka goosto Maamulka Axmed Madoobe.

La Taliyaasha Madaxweyne Farmasjo waxay Madaxweynaha usoo jeediyeen in meesha laga saaro awoodaha Axmed Madoob gadaal kasoo riixiya hadii uu doonayo inuu kolkaan ka guuleysto Axmed Madoobe, Waxaana losoo jeediyey Dhowr qodob oo kala ah.

  • 1- In Kenya laga saaro Gobolka
  • 2- Shacabka Gobolka la kiciyo oo la Abuuri kacdoon

Hadaba Dagaalka Siyaasadeed ee ku aadan cida soo filayaa Xildhibaanada Gobolka waa mid ku salaysan Intaas aan kor kusoo xusnay iyo Dagaalkii soo jiitamayay.

Yaa iska leh Sharciyada soo xulida Xildhibaanada iyo Senatorada

Hadii la raaco Heshiiskii Doorashada Muqdisho ee bishii hore lagu gaaray Muqdisho Wax macne ah ma sameynayso cida soo xilaysa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka waayo Heshiiskii wuxuu qeexaya in qaab qabiil lagusoo xulayo Xildhibaanada Aqalka hoose, waxaana soo xulaya Odoyaasha dhaqanka, isla Beesha ayaana u codeynaysa, taasi waxay meesha ka saaraysaa in Madaxweyne Axmed Madoobe uu Saameyn ku yeesheen Xildhibaanada , laakiin isla Heshiisku wuxuu oranayaa in Maamul Goboleedku uu soo gudbiyo Liiska Xildhibaanada, Taasina macne ma sameynayso oo beelaha Gobolku iyagaa soo gudbinaya cida ku matalaysa Baarlamaanka Federaalka.

Arinta muranka Xoogan ka taagan yahay waa soo xukida Senetarada Aqalka hoose

Soo xulida Senotaradu waa Qodob Dastuuri ah oo Cadeynaya iney Matalaan Maamul Goboleedyada, Heshiiskii Doorashada 20/21 Muqdisho ee bishii hore ay Madaxweybe Farmaajo iyo Nadaxweynayaasha Maamul Goboleedyadu ay wada gaareen wuxuu xoojinayaa Qodobka Dadtuuriga ah ee qeexaya cida soo xukaysa Senetarada Aqalka sare,

Dastuurka Federaalka iyo Heshiiskii Doorashada ee Sebtembar 2020 waxay cadeynayaan in Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Baarlamaankiisa ay soo xulayaan Senetorada Aqalka sare ee Jubbaland ka imaya.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo oo uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo Sharciyad ma uu leeyahay inuu soo magacaabo Senetoro,

qaybta labaad ee Warbixintaan la soco Talaadada 13/19/2020

Farxaan Ciise

Puntlandi.com Nairobi