RW Galayr oo Xamar loogu sameeyey Aas Qaran

Illaahay ha u naxariistee Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr waxaa maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho, oo Aas Qaran loogu sameeyey.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysal wasaare Rooble iyo Madaxweyne Xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa ka qayb galay Aadka.

Marxuumka ayaa u geeriyooday Covid19 isagoo ku sugan Jigjiga,

Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyo Marxuumka Ehelkiisana samir iyo Imaan haka siiyo, Aamiiin

Puntlandi.com Garowe