Alla ha u naxariidtee Raysal wasaare Galayr oo lagasoo qaadey Itoobiya (Sawiro)

Saacadaha soo socda waxaa Muqdisho kusoo wajahan Meydka Marxuum Cali Khaliif Galayr oo Aas Qaran loogu sameynayo Magaalada Muqdisho isla maanta.

Raysal wasaare Galayr ayaa u geeriyooday Cudurka Covid19 oo mudo Afar Cisho ah soo ritay sida ay Puntlandi.com u xaqiijiyeen Dad ka agdhowaa.

Aaska Marxuumka waxaa ka qayb galay Madaxweyne Farmaajo iyo inta badan Xildhibaanada labada Aqal oo ay asxaab ahaayeen Raysal wasaare Galayr.

Ehelada Marxuumka iyo qaar kamid Caruurtiisa ayaa iyana ka qayb galaya Aaska.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Xigeenka Puntland Axmed Cismaan Karaash ayaa Puntland uga qayb galaya aadka Marxuumka.

Puntlandi.com Jigjiga