Kenya oo u digtay Ciidamada ay Dowlada Federaalku geysay Gobolka Gedo

Wasaarada Arimaha Dibada Kenya ayaa Xukuumada Federaalka Soomaaliya uga digtay rabshadaha ay Gobolka Gedo ka wadaan Ciidamada Dowlada Federaalka ay Gobolka Gedo Keentay, Ciidamadaasoo ay Kenya sheegtay inay Abaabulan rabdhado ka dhan ah Kenya.

Golaha Amaanka Kenya ayaa Wasaarada Arimaha Dibada Kenya waxay ku Amartay inay la xiriiraan Dhigooda Soomaaliya ayna ku wargaliyaan in aysan Kenya u dulqaadan doonin Rabdhadaha ka dhaca Xuduuda labada dhinac.

Arintaan ayaa imaanaysa kadib markii Kenya ay dhowr jeer Dad Shacabka ku laayeen Gudaha Gobolka Gedo. Waxaana Kenya lagu eedeeyey inay Xasuuq ka geysteen Deegaankaas.

Puntlandi.com Nairobi