Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyey Geerida RW hore Cali Khaliif Galayr

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu ka tacsiyeeyey Geerida Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Garayr oo ku geeriyoodey Magaalada Jigjiga.

Madaxweynuhu isago ku hadlaya Magaciisa iyo kan Shacabka Soomaaliyeed wuxuu ka tacsiyeeyey Geerida Siyaasiga ruugcadaaga ah Cali Khaliif.

Cali Khaliif wuxuu ka mid ahaa Siyaasiyiinta ugu waaweyn Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee Xiligaan ku jiray Siyaasada Soomaaliya.

Cali wuxuu waayadii dambe ku sugnaa Soomaaliland halkaasoo uu Siyaasada uga jiray walow uu Saameynta ku lahaa Siyaasada Guud ee Soomaaliya.

Illaahay ha u naxariisto Marxuumka Eehelkiisana samir haka siiyo.

Puntlandi.com Garowe