Bosaso oo la laalay Canshuur gaara oo laga qaadi jiray Guryaha

Duqa Degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa shaaca ka qaadey in la joojiyey Canshuurtii laga qaadi jiray Guryaha Bosaso marka la Dayac tirayo Guriga .

Gudoomiyaha Bosaso ma uusan Faahfaahin sababta rasmiga ah ee loo joojiyey Candhuurtaan wuxuuse sheegay innGolaha Deegaanka Bosaso ay go’aankaan gaareeen.

Canshuurtaan waxay ka jirtay oo qura Magaalada smBosado mana ahan Canshuur Dalka oo dhan ka jirta ama dhinaca Garowe ka timid, waxay ku ekeyd oo qura Dowlada hoose ee Bosaso.

Guryaha waxaa badanaa ku waajiba Cashuurta Guryaha oo Sanadle ah, Aduunka inta badan Guriga marka la balaarinayo oo Qolol dheeraada lagu darayo ama dabaq la saarayo waxaa ogolaansho laga dalbadaa Dowlada hoose, ogolaanshahaasoo. La bixiyo Lacag hal mar ah, Laakiin Gudoomiyaha Bosaso ma uusan cadeyn in Canshuurtaan ay awalba qalad ahayd iyo in kale oo ay doonayaan iney soo saaraan Canshuur cusub oo lagu badalayo tan hada la tuuray,

Wasaarada Arimaha Gudaha ama Wasaarada Maaliyada oo Canshuuraha hoos yimaadaan midna kama aysan hadal Cadhuurta u Gaarka ahayd Reer Bosaso meesha ay ka timid iyo iney Sharci ahayd iyo in kale.

Puntlandi.com Bosaso