TACSI : – Allaah ha u naxariistee korneyl Maxamed Cabdi Geesacade iyo Adeerkiis Hussein Geesacade oo xalay ku geeriyooday Minnesota

Allaah ha u wada naxariistee waxaa xalay oo aheyd Talaado 6.10.2020 ku geeriyooday magaalada Minnesota ee Dalka Mareykanka Korneyl Maxamed cabdi Geesacade iyo Adeerkiis Xuseen geesacade ( Xuseen Arabey ).

Jaaliyada Puntland ee Danmark iyadoo ka tiiraanyeysan geeridaa naxadinta leh ee sidaa wadajirka ah ugu timid Korneyl Maxamed Cabdi Maxamed Geesacade iyo Adeerkiis Xuseen Maxamed Geesacade waxay tacsi u dirayaan dhamaan Qoyska Reer Geesacade, Awlaadii, Ehelkii iyo Axsaabtii ay ka baxeen labda marxuum, waxayna Ebbe uga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale maamulka iyo hawlwadeenada shabakada Puntlandi waxay tacsi gaar ah u dirayaan Nabadoon Mahdi Cabdi Maxamed Geesacade geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkii Korneyl Maxamed Carabey iyo Adeerkiis Xuseen Arabey, waxayna Allaah uga baryayaan labda marxuumba dembi dhaaf iyo naxariis.