Daawo : – Beesha Habargidir oo si buuxda u taageertay hayaanka Musharaxnimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Beesha Habargidir ayaa maanta si buuxda u shaacisay taageerada ay u hayaan Musharax xilka madatinimo ee Dalka, isla markaana ah hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Shir Beeshu maanta oo ah 29.09.2020 ay ku qabsatay Hotel Sahafi ee Muqidisho oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha Bulsho ee ay ka kooban tahay Beesha Habargidir ayaa lagu soo dhaweeyey, isla markaana Beeshu ku taageertay musharxnimada xilka madaxweyne ee doorashooyinka Dalka ka dhacaya sanadka 2020/2021 Mudane Musharax C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

Gudoomiyaha Golaha dhaqanka ee Beesha Habargidir Prof.Cabdulqaadir Maxamed Shirwac oo khudbad ka jeediyey kulankaas ayaa ku dhawaaqay go’aanka Beeshu ku taageertay Musharxnimada mudane C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa muuqda Siyaasi ay is soo tareyso taageerada uu ka helay Shacbiga Somaaliyeed, isagoo dhexda uga jira hayaan dheer oo Siyaasadeed oo uu si adkeysi, geesinimo iyo isku kalsooni ah uu uga soo gudbay turaanturooyin iyo hagardaamoyin lagu horgooyey , kuwaas oo loo adeegsaday muruq Dawladeed ,looguna talo galay in lagu waxyeeleeyo hankiisa siyaasadeed.

Halkan ka daawo khudbadihii kulanka laga jeediyey.