Madaxweyne Deni oo ku guulaystay inuu heshiisiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maalmahaan ka nabadeynayay Muqdisho ayaa kusoo gabagabeeyey inuu gacanta isu saaro Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi iyo Madaxweynaha DF Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Labada Masuul ayaa ka heshiiyey xurguftii Siyaasadeed ee ka dhalatay Dagaal Siyaasadeedkii mudada Socdey.

Labada Masuul waxay balan qaadeen in ay kawada shaqaynayaan Sidii Dalka ay uga dhici lahayd Doorasho ku salaysan Heshiiskii bishaan lagu gaaray Muqdisho.

Puntlandi.com Muqdisho