Raysal Wasaaraha aan wali la ansixin oo la kulmay Xildhibaano

Maxamed Xasan Rooble Oo Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Raysal wasaare balse aysan wali Ansixin Baarlamaanku ayaa maanta wuxuu kulan la qaatay Koox Xildhibaano ah.

Xildhibaanadaan uu la kulmay Rooble ayaa gabi ahaan ahaa Kuwa Taageersan Madaxweynaha islamarkaasna ahaa Kuwii Xilka ka tuuray Xasan Cali Kheyre.

Raraysal Wasaaraha aan Wali la Ansixin Maxamed Xasan Rooble wuxuu codsadey in si deg deg ah ay Xildhibaanadu u siiyaan Codka kalsoonida.

Xildhibaanada ayaa dhankooda ka balan qaadey iney siinayaan codka kalsoonida.

Wali si rasmiga looma shaacin Xiga uu Baarlamaanku u codeynayo Raysal wasaaraha waxaase loo badinayaa in beri oo isniin ah ay dhici doonto.

Puntlandi.com Muqdisho