JUXA : – Beesha Caalamka ayaa laga rabaa in ay heshiiskan ka ansixiyaan labda Aqal ee is diidan iyo Mursal iyo Muudey oo ah xerta Farmaajo.

Qore Cabdi Farax Juxa

Qodobo muhiim ah oo xaqiiqada u eg ayaa Madaxda Soomaalidu ku gaartay Mugadishu. Qodobka keli ah ee fartii Farmaajo ee aan dhamaadka lahayn waxaa weeye “in heshiiskan siyaasadeed la horgeeyo Golayaasha Parliaman-ka oo waqtigoodii todobaadyo ka harsan yihiin si ay u meel mariyaan”.

Waxaan ognahay in aan labada aqal xataa wada shaqayn lahayn oo arrintani muddo gaar u ahayd Golaha Shacabka. Waxaan kaloo ognahay inaan niyad wanaag iyo kalsooni midna lagu qabi karin hogaanka Golaha Shacabka ee Mursal iyo Muudeey oo lagu tuhunsan yahay inay Madaxweyne Farmajo faq-wadaag yihiin.


Beesha Caalamka ayaa looga fadhiyaa inay odayaashan u sheegaan “inay heshiiskan siyaasadeed ku ansixiyaan 7 daqiiqo.”
Waana 7-dii daqiiqo ee shaqadooda ugu damaysay.
Doorasho wacan Soomaaliya.