RW hore Cumar Cabdirshiid “ Raysal wasaare la’aantu waa Dowladnimadii iyo Dastuurkii oo la burburiyay”

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaake oo bixiyey Waraysi ku saabsan Xaalada Dalka ayaa walaac weyn ka muujiyay qaabka ay Siyaasada Soomaaliya ku socoto wakhtigaan.

Sharmaake wuxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumadiisu ay lumiyeen Fursad qaali ah oo looga faa’iideysan karay Sadexdii sano iyo Barkii lasoo dhaafay, Wuxuu yiri “ Waxaa wax laga qaban karay Dastuurka, Xisbiyada ayaa ugu yaraan si sharciyaysan loo diiwaan galin karay, Doorashada ayaa meel la saari karay, waxaa muuqata inaan waxaaso dhan wax laga qaban” .

Maqnaanshaha Raysal wasaaraha waxay wax u dhintay Dowladnimadii , Wadahadalada socda hadii Raysal wasaarihii uusan miiska Fadhiyin wax weyn ayaa maqan, Xukuumadii hagi lahayd Doorashada ma jidho, ayuu yiri Cumar Cabdirshiid.

Ugu Dambayntii wuxuu Madaxweynaha kula taliyey in Raysal wasaaare Uu keeno si loo dhamaystiro Howlaha taagan, Wuxuu kaloo Baarlamaanka ku eedeeyay inaysan la xisaabtamin Madaxweynaha, wuxuu iyana kula taliyay in ay Madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyaan inuu soo Magacaabo Raysal wasaare.

Puntlandi.com Muqdisho