Digniin “ Wasaarada Deegaanka Puntland oo ka digtay Roobab kusoo fool leh Sanaag iyo Bari

Waxaa la saadaalinayaa in Roobab xoogan ay ku Hiiraan Deegaanada Gobolada Sanaag iyo Bari khaasatan Roobka Xoogiisu wuxuu kusoo wajahan yahay Gobolka Sanaag hadii eebo idmo.

Wasaarada Deegaanka iyo Beeraha Puntland ayaa Soo saartay Digniin ku socota Dadka Reer Miyiga ah.

  • Waa in laga dheeraada Deegaanada hooseeya ee Boya mareenka iyo Biyo fariisanka leh, Xoolaha iyo Dadkaan waa in laga fogeeyaa goobahaas, Khaasatan habeenkii.
  • Dhamaan Hay’adaha Dowlada waxaa lagu wargaliyey inay heegan u ahaadaan caawinta Shacabka hadii ay timaado baahi gargaar.
  • Masuuliyiinta Dowlada ee Labadaan Gobol waxaa la faray inay u diyaargaroobaa ayna diyaariyaan Qorshe si degdeg ah loogu gargaaro Shacbiga si looga hortago Masuibadii Qardho Oo kale ee sanadkii tagay.

Wasaaradu waxay kaloo Shacabka fartay in maalmaha soo socda la yareeyo Dadka kaligood safraya si looga hortago Khatar tá ka imaankarta Roob Cidla ka hela Qof kaligiis ah.

Khamiista ayaa la filayaa in Golaha Wasiirada ay soo bandhigayaan Qorshaha looga hortagayo Masiibo ka dhalata Roobabka ee Labadaan Gobol.

Wixii Faahfaahin ah waxaad kala xiriiro kartaan Dowlada Hoose ee Degmadaada, Xarunta Gobolka iyo Xarunaha Bileyska.

Puntlandi.con Garowe