Breaking News— Shirka Muqdisho oo Qarka u saaran inuu burburo

Shirka Muqdisho uga socda Madaxda Soomaalida ayaa isfahan la’aan xoogan soo kala dhexgalay kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu sheegey arin ka xanaajisay Masuuliyiintii kale.

Inkastoo Qodobadii ugu adkaa la isla meel dhigay hadana Madaxweyne Farmasjo wuxuu shalay u sheegey Masuuliyiinta kale in Qodobka u dambeeya heshiiska laga dhigo in Baarlamaanku Ansixiyo Heshiiska, Arintasoo ay diideen inta badan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadu.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu kasoo debcay Qodobadii uu diidanaa oo ahaa …

  • In Doorashadu wakhtigeeda la qabto
  • in Doorasho dadban ay noqoto oo ku salaysan 4.5
  • In Gudi cusub lasameeyo
  • In tirada U Codeynaya Xildhibaanada aa noqdaan wax ka hooseeya 100 Qof , (Tiro cayiman la islama gaarin )
  • In Doorashadu ay ka dhacdo goobihii kal hore

Qodobadaan markii la isugusoo dhawaadey ayaa Madaxweyne Farmaajo soo jeediyey in Heshiiska la hor geeyo Baarlamaanka si ay u ansixiyaan, Arintasoo dhalisay in Wadahadii i ay kululaadaan Sidaas ayaana wali Muranku u taagan yahay,

wuxuu kaloo Madaxweynuhu ka dhawaajiyey in Masuuliyiinta kale ay saxiixaan Heshiiska Isagana uu Saxiixidoono markay Baarlamaanku Ansixiyaan.

Madaxweyne Waare iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku raacsan Madaxweyne Farmaajo in Heshiiska la hor geeyo Baarlamaanka.

Halka Deni, Qoorqoor, Axmed Nadoobe iyo Laftagareen ay kasoo hor jeesteen .

wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com Muqdisho