Madaxweynihii hore ee KG Shariif Xasan “ Wax alla oo Xukuumadu Samaysay lagasoo bilaabo 25 Ogoosto Qashinkaa lagu darayaa”

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aaden oo ka hadlay Shir jaraa’id oo Xisbiyadu qabteen ayaa si kulul u dhaleeceeyey Baarlamaanka.

Wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamey in Baarlamaanku ay maalin walba ka doodaan Qodobo ay usoo gudbiyeen Xukuumadii ay iyagu rideen, Waa sharci daro iyo Wax aan la aqbali karin. Ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed.

Wuxuu hoosta ka xariiqay oo Sharci daro ku tilmaamey Wax walba oo ay Xukuumadu qabatay lagasoo bilaabo 25 Ogoosto oo ahayd markii Xukuumadu dhacdey.

Shariif Xasab wuxuu kaloo eedeyn dusha uga tuuray Madaxweyne Farmaajo oo uu ku eedeeyey Maqnaanshaha Raysal wasaare Cusub.

Puntlandi.com Muqdisho