Breaking News— Shirk WT MD Muqdisho— Gudiga Doorashada Qaran iyo Maaliyada Doorashada oo muran xaagan ka taagan yahay

Shirka Wada Tashiga Maamulada iyo Dowlada Federaalka ee Muqdisho ayaa durba la isku hayaa laba qodob oo aad u muhiim ah, kuwasoo muran xoogan ka taagan yahay, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhagan labadaan qodob halka Maamul Goboleedyada qaarkood ay diidan yihiin.

Puntland waxay taagan tahay in lakala diro Gudiga Doorashada ama aysan wax shaqo ah aysan ku yeelan Doorashada 20/21, iyadoo Puntland ku sababaysay in Gudigu uu horay u gabay shaqadii loo igmaday isla markaasna ay horay Gudigaan ushaaciyeen in aysan Doorashada ku qaban Karin wakhtigeeda, Waxay Puntland raacisay in Doorashadu ay tahay mid Dadban sidaas awgeed loo baahan yahay Gudi Khilafaad bixin oo Saamilayda Siyaasadu u simantahay.

Gudiga Xaliimo Yareey ay hogaamiso waxaa kaloo lagu tuhun sanyahay iney hal dhinac yihiin, Sidaas awgeed ay lumiyeen kalsoonidii Maamulada iyo Dadka Musharixiinta ah.

Qodobka labaad ee Muranku ka taagan yahayb Waa Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada, Madaxweyne Farmaajo wuxuu doonayaa in Gudiga ay Xaliimo Yaray hogaamiso ay maamusho Dhaqaalaha, taasna waxaa si weyn ugasoo horjeeda Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo ku doodaya in Maamul Goboleedyada ay Masuul ka noqdaan dhaqaalaha maadaama iyaga lagu qabanayo Doorashada, Matalan Puntland waxaa Doorashada lagu qaban karaa Bosaso, Garowe iyo Gaalkacyo, Amaanka iyo Goobaha Doorashada waxaa Masuul ka ah Puntland, Sidaas awgeed Macquul ma ahan in Xaliimo Yaray ay bixiso mushaarka askarta iyo Adeegayaasha Doorashada.

Labadaan Qodob ayaa maanta si wayn looga doodayaa hadii xal laga gaaro Shirku wuu sii soconayaa.

Sawirada hoose waa Madaxweyne Deni oo Maalintii labaad ka qaybgalaya Shirka

Puntlandi.com Muuqdisho