Deni oo is hortaagay in Kusimaha Raysal wasaaraha uu Shirka Muqdisho kasoo qayb galo

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntland hayaan, Madaxweyne Deni wuxuu diiday in Shirka wada xaajoodka Arimaha Doorashada uu qayb ka noqdo Mahdi Guuleed , Raysal wasaaraha uu Kumeel Gaarka u magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Deni ayaa Mahdi Guuleed ku tilmaamey inuusan ogolaansho awoodeed u lahayn inuu ka qayb galo Shirka maadaama uusan Baarlamaanku u ansixin kursiga Raysal wasaaranimada.

Arintaan waxay qayb ka ahayd sababihii Shirka dib u dhiga todobaadkii lasoo dhaafay, Madaxweyne Farmaajo wuxuu isku deyey inuu ku cadaadiyey sidii Mahdi miiska usoo fariinsan lahaa, Laakiin kuma uusan guulaysan.

Shalay galab waxaa jiray Qodobo wali lagu muran sanaa inkastoo si degan loo wadahadlay, la isusugana dayay in meelo Dhexe la isugu yimaado.

Puntlandi.com Muqdisho