Qodobada laga filan karo Shirka Muqdisho

Shirka uga furmay Madaxweynayaasha Soomaaliya ayaa hada si habsami ah uga socda Villa Soomaaliya, Shirkasoo hal ajande leh kasoo ah Doorashada Soomaaliya.

Wali waxaa muran ka jiraa qaabkii loo qodobayn lahaa Wadada loo marayo Doorashada 20/21, waana lagu kala aragti duwan yahay.

Qodobada ugu muhiimsan ee laga filan karoshirkaan inay kasoo baxaan waa sidaan

  • Doorasho Dadban, oomacneheedu yahay in Doorashada lagu saleeyo 4.5
  • Xubnaha U Codeynaya Dadka u tartamaya Baarlamaanka, oo loo badinayo in laga dhigo 103 Qof ama tiro ka hoosaysa oo ka soo jeeda Beesha Xildhibaanka loo codeynayo.
  • Xildhibaan walbaa waxaa lagusoo dooranayaa Caasimadaha Maamul Goboleedyada uu kasoo jeedo.
  • Xildhibaanada Waqooyi waxaa lagu soo dooranayaa meeshii ay iyagu dalbadaan Macquul in Muqdisho laga dhigo.
  • Gudi farsamo oo Khilaafaad bixin ah oo ka kooban Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe ayaa howsha loo xildaarayaa
  • Xildhibaanada tartamaya waxaa soo gudbinaya Odoyaasha Dhaqanka ee soo jireenka ah ( Laga yaabee in loo qoro Odoyaasha Diiwaan gashan ee ka qaybqaatay Doorashadii kal hore

Xogta ay Puntlandi,com hayaan sidaan ayay tilmaamaydaa, laga yaabee in Qodobada si kale Qoraal ahaan loo qoro balse ujeedku waa sidaas kor ku xudan.

Puntlandi.com Garowr