Daawo : – Hogaan xumida Farmaajo waa mid Dr.Maryan Qaasin uu Waxbarshada ka qaaday kuna badalay Goodax Bare

Kacaankii Askarta ee Dalka hooga iyo halaaga u horseeday ayaa waxa uu ku suntanaa oo mabad u ahaa la dagaalanka Aqoonta iyo akhlaaqada bulshada, isku dir,qabyaalad,eex iyo inuu soo uruursado, xilalka ugu sareeya adeega shacbigana uu ku taxo shaqsiyaadka ugu damiirka iyo tayada xun bulshada kuwaas oo lagu doorto in ay daacad u yihiin rijiimka faasiqa ahaa.

Dhaqan xumadii laga dhaxlay nidaamkii kacaanka ayaa weli ka dhex muuqata xafiisayada ugu sareeya ee siyaasada Dalka oo ay ugu horeeyo midka Villa Somalia.

Qoraalkan kooban waxaanu ku soo bandhigi donaa muqaal Wasiirkii hore ee Waxbarashada Dalka Marwo Dr.Maryan Qaasim ay uga hadaleyso qiimaha waxbarasha.

Hadaljeedinta Dr.Maryan Qaasim waxaa ka muuqata fahanka balaaran ee ay u leedahay mihiimada kobcinta aqoontu u leedahay horumarka bulashada iyo qarankaba.

Nasiib darada ku habsatay shacbiga somaaliyeed ayey ka mid tahay in hogaanka Villa Somaaliya uu ka aradan yahay mudnaanta aqoontu u leedahay dib u yab-yabida ama dibu dhiska dawaladnimada Somaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo isagoo fiirinaya dantiisa gaaban ee shakhsiga ah ayuu shaqadii Waxabarasha ka wareejiyey dadkii ehelka u ahaa oo ay ugu horeyso Wasiirkii Waxbarashada Dr.Maryan Qaasim, taas uu ku bedelay shakhsi uu ku xushay in uu isaga daacad u yahay, lakiin aan karti iyo aqoonba u laheyn fahamka iyo mihiimada Wabarashadu u leedahay horumarka aadanaha ,shakhsigaas oo macal asaf noqoday midka nasiibka daran ee Goodax Bare oo taariikhada ka geli doono beyj aad u fool xun, kaas oo hub siyaasadeed oo laysu adeegsado ka dhigtay in uu ku burburiyo mustaqabalkii iyo ubaxii Dalka.

Halkan ka daawo cabqarinimada ay kobcinta aqoonta iyo garaadka dhalinyarada u leedahay hurmarka Dalka Dr.Maryam Qaasim