Sawiro, Shirkii Madaxweynayaasha Soomaaliya oo aakhirkii furmay maanta

Kadib dhowr jeer oo uu dib u dhac ku yimid Shirkii Madaxweynayasha Soomaaliya wuxuu ugu dambeyntii furmay maanta oo Axada iyadoo qaybihii ka qayb gali lahaa ay u dhan yihiin.

Madaxweyne Farmaajo, Deni, Qoorqoor, Laftagareen iyo Waare ayaa kulankooda looga xaajoonayo Doorashada uu si rasmi ah u bilowdey.

Wali waxaa jira kala aragti iyo fikir duwanaansho, Waxaa isna jiray isgaashaanbuursi gaara, inkastoo garabyada qaarkood ay hadba dhinac u guurayaan.

Madaxweynayasha Qoorqoor iyo Waare ayaa sida muuqata ah kuwa aysan Siyaasadoodu fadhiyin oo hadba Garab u wareegaya halka Madaxweyne Laftagareen uu mowqifkiisa cad yahay, wuxuuna taagan yahay Doorasho 4.5 ah.

Shirku maanta ayuu furmay waxaana lagu wadaa in uuvsocdo laba maalmood hadaan wax iska badalin qaabkii loo qoondeeyey.

Puntlandi.com Muqdisho