RW hore Xasan Cali Kheyre oo shaaciyey inuu u tartamayo Madaxweyne

Qoraal uu soo dhigay Barihiisa Bulshada ayuu Xasan Cali Kheyre ku Shaaciyey inuu yahay Musharax u tartami doona Madaxweynanimo Doorashada soo socota.

Ku dhawaaqida Xasan Cali Kheyre ayaa imaaneysa kadib markii saaxada Siyaasada laga waayay tan iyo Markii Xilka laga xayuubiyey, Warkiisana waxaa u dambeysay mudo bil ku dhow.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay Baraha Bulshada ayuu ku sheegay inuu doonayo inuu mar kale u adeegi Shacabka Soomaaliyeeed.

Mudo bil iyo bar ku dhow ayaa kasoo wareegtay markii Xasan Xilka laga qaadey iyadoo lagusoo eedeeyey Xil gudasho la’aan iyo inuu Dalka gaarsiin waayay Doorasho Qof iyo Cod ah.

Puntlandi.com Nairobi