Madaxweyne Axmed Madoobe oo Muqdisho kusoo laabtay

Madaxweynaha Jubbaland oo shalay deg deg ugu duulay Kismaayo ayaa iminka dib ugusoo laabtay Muqdisho si uu usii wado wax ka faafinta Xal Siyaasadeed oo laga gaaro Doorashada Soomaaliya ee 20/21.

Madaxweyne Madoobe ayaa shalay u duulay Xaruntiisa Kismaayo si uu uga qayb galo Aaska Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland oo Kismasyo lagu diley.

Galabta oo Sabti ah ayuuna kusoo laabtay Muqdisho, Waxaana ka rajaynayaa in xal loo helo caqabadaha hortaagan furitaanka Shirka Muqdisho.

Puntlandi.com Muqdisho