Muqdisho oo Madxweyne Deni saf loogu jiro, Waare oo booqdey maanta

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa aad u mashquul ahaa tan iyo markuu Muqdisho tagay, maalmahaanba waxaana sii kordhay Masuuliyiinta kusoo booqanaya Xarunta uu degan yahay xili wali mugdi ku jiro Shirkii uu Muqdisho u tagay.

Madaxweynaha Hirshabele Maxamed Cabdi Waare ayaa booqasho ugu tagay maanta Madaxweyne Deni, waxayna labada Masuul wada yeesheen kulan Albaabadu u xiran yihiin.

Kulankoodu markuu dhamaadey waxay usoo baxeen banaanka iyaga oo qodlaya, waxayna u muuqataa in labadaan Masuul ay kawadahadleen waxyaabaha caqabadaha ku ah kulankii loo baladanaa ee Muqdisho.

Horay wuxuu madaxweynuhu ula kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Puntlandi.com Muqdisho