Beesha Hawiye oo cadaadis saartay Waare iyo Qoorqoor

Madaxweynayaasha Hirshabeele iyo Galmudug ayaa Cadaadis Siyaasadeed iyo mid Beeleedka kala kulmay Beeshooda Hawiye, Waxayna si toosa ugu sheegeen iney wax ka badalaan Mowqifkooda Siyaasadeed Doorashada.

Labadaan Masuul ayaa Beesha ku tuhunsan tahay inay gacanta ugu jiraan Madaxweyne Farmaajo ayna Caqabad ku yihiin in Dalka Doorasho ka dhacdo.

Warar hoose ayaa waxay sheegayaan kulan ay Beesha yeelatay in Arintaan looga hadlay, Loona diray ergo lakulanta labadaan Masuul.

Madaxweyne Axmed Kaariye Qoorqoor ayaa sigaara loogu eedeeyay in uu Madaxweyne Farmaajo u adeegsadey inuu burburiyo Shirkii Dhuusamareeb iyadoo laga lahaa ujeedooyin Wakhti lumin Siyaasadeed ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa xiligii uu ka khudbaynayay Aqalka Sare wuxuu sheegay in Raysal wasaare la’aanta ka jirta Dalka ay Masuul ka yihiin Beeshiisa Xaqa u lahayd.

Puntlandi.com Muqdisho